Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo, kaasoo labo madaxweyne loogu kala doortay Jubaland.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Wasiir Guuleed ku sheegay in Xukuumada aysan marnaba ogolaan doonin waxyaabaha ka soconaya Kismaayo aysan Xukuumada ogolaan doonin, isagoo ku tilmaamay doorashadii dhacday inay aheyd mid xadgudub ah oo aan waafasaneyn shuruucda dalka.
“Xilli maanta ay dawladdu guddi u dirtay Jubbooyinka in lagu soo beego arrintan waa xadgudub ka dhan ah shuruucda dalka, mana ogolaaneyno.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.
Wasiirka ayaa sidoo kale qoraalkiisa uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in warbaahinta kaliya ka maqleen maamulka looga dhawaaqay Kismaayo
“Warbaahinta ayaan ka maqalnay in maamul looga dhawaaqay Kismaayo, balse horena waan u sheegnay, haddna waan ku celin, nama quseyso natiijadaas”ayuu ku yiri qoraalkiisa Twitter uu soo dhigay.
Maalinimadii shalay ayay aheyd markii magaalada Kismaayo looga dhawaaqay labo madaxweyne oo ay yeelato Jubaland, iyadoo markii la doortay Axmed Madoobe, saacado kadibna Barre Hiiraale uu isna ku dhawaaqay in loo doortay Madaxweynaha Jubaland afarta sano ee soo socota.
Idale News Online Mogadishu