Cilmiga Xanaanada Xoolaha Qeybtii 7aad: Taariikhda Dameeraha

0
282

Dameeraha (Equus Africanus sinus); waxey ka mid yihiin xaywaanaadka lagu rabeysto guryaha,waxayna  ka tirsan yihiin  family ga “Equidae”.dameeraha waxey ka mid ahaan jireen ama loo siticmaali jirey xaywanaadka lagu shaqeysto mudo laga joogo uga yaraantiin 5000 sano.

Waxa jiraa in ka badan 41 million oo dameera ah ee dunida,intoodi badan waxa laga helaa wadamadda aan hormarsaneyn  ;taasi oo asal ahaan loo adeegsado  xamuul saarid ama raarid.

Tirooyin yar oo dameero ah ayaa lagu xanaaneyaa  qaar ka mid ah  wadamada horumarey. Dameerka kan labka ah waxa lagu magacaawa “jack” ama “Dameer”,kan dhediga ahna waxaa looga yeeraa “jennet” ama “Dameerey”, Dameerka aan qaan gaarin waxa la yiraahdaa “Qeyl “.

Dameeraha markii ugu horeysey oo la rabeysto(gurujoogeyn) waxey ahayd qiyaastii 3000BC ama 4000BC. meelaha lagu rabaayideyey ayaa  ahaa wadanka “Egypt” ama “Mesopotamia”(waa dhulka u dhexeeya labadda wabi ee Dijila iyo furaat ee  dalka ciraaq),ka dib waxey ku fideen daafaha aduunka, goortii la rabaayadeeyey (African wild Ass) iyo meelo kale sida koonfurta Asia.

 Taariikhda Dameeraha ( History Of Asses).

Dameeraha casrigani waxey ka soo unkameen wadamadda Numbia iyo Somalia.waa jinsi  hoose kaas oo ka soo faracamey (African wild ass).dameeraha waxey  guri joog noqdeen Fourth  mellinium BC, waxana laga heley meesha la yirado” Ma’adi” oo Dalka masar ah.waxaa la rumeysan yahay in uu noqdey guri joog ka dib markii la dhaqdey lo’da, idaha iyo riyaha waqtigii seventh iyo eight mellinium BC.sida dhabta ah dameeraha ayaa markii uga horeysey rabaayadeeyey dadka xoolo dhaqtada ah ee reer numbia.

Sanadkii 2003 qabriga boqor Namer oo boqor hor-aha (the two first egyptian pharaohs)ayaa  la faagey waxa lagu arkey 10 dameero qal-fooftoodi oo la duugnaa; tani waxey ku tusineysaa sida ay u dhaqan jireen dameeraha masariidii hore, inta badan arintan waxey u sameyn jireen dadka uga garaadka sareeya ee xaakamiinta.

Dhamaadkii Fourth  mellinium BC, dameeraha waxey ku fideen  koonfur Galbeed Asia waxey si weyn uga tarmeen bartamaha dhulka Mesopotapia( waa dhul u dheexeeya labadda webi dijila iyo furaat).sanadkii 1800BC waxey u soo gudbeen Syria ,muscat iyo yaman.

Dameeraha markii uga horeysey ee ay gaaraan America waxey ka gaareen doon uu watey ninka la yirahdo  “second voyage of Christopher”waxa la dhigey meesha la yiraahdo“Hispaniola”sanadkii 1495.

Dameerihii   uga horeey ee waqooyiga  America  gaaraan, Sidoo kale waxey ku gaareen labo siyaabadood: dhanka Mexico waxa keeney Juan-de Zumarrage, kaas oo yimi sanadkii 6th-December-1528, waa goortii ay dameerah ay gaareen meesha manta loo yaqaabo United state  of America waxa keeney “ Rio-Grande” waxa la socdey “Juan de onote”

La Soco Qiibaha Kale.

W/Q: Xasan Ismaciil Isaaq( Xasan Bashaa).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here