Abla-Ableynta Idaha: Idaha waxa inta badan loo dhaqdaa si looga helo cad iyo caano.hase yeeshe dalal kale waxay u dhaqdaan xagga suufka. Tusaale ahaan idaha lagu dhqdo koofur bari Aasiyaa sanad waxa lagu guraa suufkooda sand kalena caanahood ayaa la maaladaa.sinjiyadda idaha ee loo dhaqadaa waxa loo kala qiibiyaa labo kooxood oo kala ah:
- Kuwa soo saara suuf badan iyo;
- Kuwa loo dhaqda labo ujeedo sida: hilib iyo caano, Sida madax-madowdda soomaalida (Somali black head).
Idaha waxey ay noqon karaan nooca dabadda dheer,kuwa ay ku yaryihiin iyo kuwa aan lahayn. dalka soomaaliya idaha waxey ka yihiin boqol kiiba (25%) aduunka intiisa kale.
Abla- Ableynta Idaha
Kingdom | Animalia |
Phylum | chordata |
Class | mammalian |
Order | artiodactyla |
Family | bovidae |
Sub-family | caprinae |
Genus | ovis |
Species | Ovis aries |
Astaamaha Idaha Soomaaliya
Idaha soomaaliya astaanta lagu yaqaano ayaa waxey yihiin:-
- Baruur ayey dabada ka sitaa(fatty deposite)
- Madaxa iyo qoorta ayey ka madow yihiin jirkoodi intiisa kalena waa cadaan
- Idaha ugu quruxoon dalka soomaaliya waxa laga helaa gobolka Bakool. Ee koonfurta Soomaaliya. Culeyskoodina waa 30kg-45kg inta badan.
- Idaha neefka labka ahi waxa la yiraahdaa Wan(sumal),kan dhediga ahna waxa la yirahdaa Lax (Sabeen),marka ay yaryer yihiin waxaa layiraahda Nayl ama Baraar.
- Idaha soomaali waxey ka soo galeen “Persia”oo manta loo yaqaano Dalka “Iran”.
Noocyada Idaha
- Marino
- Hampshire
- Somali black head.
Sidee Loo Maamula Idaha
- Meelaha roobka ku yar yahay ama lama degaanka ah,waxa ariga laga daajiyaa daaq dabeeciga ah,dhulkuna uma baahan, in lakala xirxiro.
- Meelah rooblku badan lehayaa daaq loo kala qiibiyaa qaybo,waxaana loo daaqaa hab is daba socdaa.
- Intaa waxa sii dheer,dhaqashadda oo loo habeeyo si uu baraarku ugu dhasho jiilaalka daba yaaqadiisa.
- Tani waxaa ay xaqiijineysaa si uu baraarku u helo daaq jilicsan oo ku filan xilli roobeedka ku xigga.
W/Q: Xasan Ismaaciil Isaaq( Xasan Bashaa).