Ciidanka Nabad sugida Somalia oo shabakad Qorshe Halis ah waday oo lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde

0
240

Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Howlgal gaar ah ka fulisay garoonka Adan Cadde, waxayna gacanta ku dhigtay Shabakad ka shaqeysa dhaqida lacagta dollarka madow iyo sameynta dollarka been abuurka ah.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Barta Twitterka ee NISA, Waxaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo laba shaqsi oo kamid ah dadkaasi, sidoo kalena lagu daba jiro xubno kale oo kamid ah Kooxda sameysa dollarka been abuurka ah.

”Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba ka mid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa” ayaa lagu yiri Twitterka NISA.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa shabakadan u sahlayay gudbinta dollarka ee garoonka Muqdisho, Waxaana galka baarista ee Shabakada loo gudbinayaa hey’adaha Sharciga ee ku shaqada leh, si marka danbe tilaabo looga qaado, sidaas waxaa tiri NISA.

NISA, ma soo bandhigin magaca labada ay qabteen iyo sawirradooda, Sidoo kale ma aysan soo bandhigin magaca Xildhibaanka arintaas ku shaqada lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa fal dambiyeed u aqoonsatay lacag dhaqida, iyadoo Bishii February ee sanadkii 2016 uu saxiixay sharciga lacag dhaqida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii uu Baarlamaankii 9aad uu ansixiyay sharcigaas bishii December ee sanadkii 2015, waxaana sharcigaas uu qaatay muddo sanad ah oo ay ku howlanaayeen Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Share this: