Ciidamada Maamulka KoofurGalbeed iyo ciidamo daacadu ah Sheekh Mukhtaar Roobow oo hore uga tirsanaa madaxda Al-Shabaab, islamarkaana isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo kula yeeshahay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Kulankaasi ayaa looga hadlaayay sidii ciidamadii Sheekh Mukhtaar Roobow loogu soo dari lahaa ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Sheekh Mukhtaar ayaa maanta kasoo duulay Magaalada Xudur oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa, waxaana Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamada uu maamulo Wadaada Sheekh Mukhtaar ayaa wali ku sugan degaan hoostagga magaalada Xudur oo lagu magacaabo Abal, waxana ay halkaa dagaalo kula galeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabaab.