Ciidanka DFS oo Barakacayaal sii barakiciyay Muqdisho

0
255

Muqdisho (INO) — Ciidanka Booliska iyo Nabad Sugida DFS, ayaa Maanta oo Arbaco ah si qasab ah uga saaray Guryihii ay ku noolaayeen Shacab Soomaaliyeed oo Barakayacaal ah Xeryo ku yaalla Koonfurta Muqdisho.

Teaser Image Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Barakacayaal sii barakiciyay Muqdisho

Dadkani Barakacayaasha ah ayaa Mudo Sanado ah kuu noolaa Xaafada Sarkuusta iyo Tabeelaha ee Duleedka Koonfureed ee Muqdisho, waxaana Dowladdooda halkii ay ka daryeeli lahayd Gurihii Cawshadaha ka samaysnaa ka saaray.

Ciidanka ayaa lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen Shacabka Masaakiinta ah, waxayna ka burburiyeen Alaabtii ay ku noolaayeen iyo Jiidgado ay Guryaha ku dhisteen, sida Qof kamid ah Dadka la barakaciyay Idale News Online U Sheegey.

Waayeello, Caruur iyo Curyaamo tabar daran ayaa kamid ah Dadka sida xooga ah looga saaray halkii ay ku noolaayeen, waxayna ahaayeen markii hore Dad kasoo cararay Abaaraha Dalka, iyadoo soo maciin biday Muqdishol.

Dowladda Federaalka ayaa wali wada Howlgallo Dadka Masaakiinta ah Guryaha looga saarayo, iyadoo Goob kasta oo Dadka Barakacayaasha laga saarana ay iska maran tahay oo dib loogu shaqeynayanin.

Idale News  Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here