Ciidanka DFS oo Howlgallo Ka Dhan Ah Al-shabaab Ka Wada Gobolka Bakool

0
279

Xudur(INO)-Ciidamada DFS oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab,  ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Howlgallada ay ciidamadu ka wadaan gobolkaasi ayeey kula wareegeen tuulooyin farabadan oo ka tirsan gobolka Bakool, waxeyna ciidamadu iminka qorsheynayaan iney furaan waddada isku xirta Baydhabo iyo Waajid, taasoo ay go’odoomiyeen kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka DFS ee gobolka Bakool Jeneraal Tanacadde ayaa Warbaahinta  u sheegay in ciidamadu dhawaan furi doonaan waddada isku xirta Baydhabo iyo Waajid, halkaasoo maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku dhibaateeyaan gaadiidka isticmaala wadadaasi.

Jeberaal Timacadde ayaa intaa ku daray in howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamadu sameeyeen ay kula wareegeen ku dhawaad toban tuulo oo malleeshiyaadka Al-shabaab ay dadka ku dhibaateyn jireen, wuxuuna tilmaamay in ammaanka tuulooyinkaasi uu hagaagsanyahay islamarkaana ay dadkii deganaa dib ugu soo laabteen.

Dhinaca kale ciidamada DFS  ayaa howlgallo kale waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan degmada Bardaale ee gobolka Bay, kaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka kadib markii ay soo kordheen cabashooyinka ka imaanaya dadka ee ku aaddan dhibaatooyin ay u geysanayaan maleeshiyadka Al-shabaab.

Idale News Online, Xudur, Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here