Ciidanka Daraawiishta KGS oo kalatagey Shariif oo Ku Dhegan Xasan Eelay>>

0
202

Ciidanka daraawiishta koonfur galbeed oo ku kala biirey ciidanka militiriga DFS iyo Xoogaga gaarka ah ee sheekh mukhtaar roobow iyo shariif xasan oo ku dhegan xasan eeley
Wararka naga soo gaaraya deegaanada kgs ayaa sheegaya in ciidamadii daraawiishta kgs ku kala biireen ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo xoogaga gaarka ah ee Abuu mansuur ayadoona.

Arintan ayaa kadanbeysey kadib markii ciidamada daraawiishta kgs ay soo foodsaartey daryeel la’aan baahsan, saraakiil uhadashey daraawiishta kgs ayaa sheegey in ay waayeen dhamaan xaquuqdii ay kulahaayeen maamulka kgs isla markaasna shariif xasan qiimeyn u heynin ciidanka heeganka u ah in ay dhiigooda udaadiyaan difaaca umadooda ayagoona sheegey in madaxweynaha koonfur galbeed hortaagan yahay dib uxureynta deeganada koonfur gabeed ee jooga kooxda alshabaab,

Saraakhiisa ayaa intaa kudartey in ciidanka daraawiishta dagaalada kusoo dhaawacama daryeel la’aan ay udhintaan ayagoo sheegey in daryeel xumo udhinteen ilaa iyo15 askari oo kasoo dhaawacamey weeraro ay qaadeen ciidamada koonfur galbeed kuwaas oo kubaacsanayeen kooxda nabadiidka alshabaab
Saraakhiishaan oo diidey in aan magacooda xusno ayaa sheegey in teliyihii ciidamada daraawiishta Shiina macalin Nuurow uu kasoo caroodey habdhaqanka iyo bahadilka loogeysanaayo ciidanka daraawiishta isla markaana iska aadey magaalada mogadisho isagoona sheegey in uusan garaneynin sida loo hogaamiyo ciidamo aan heysan dhamaan xaquuqdii ay ku holgali lahaayeen.

Teliya kuxigeenka ciidanka daraawiishta koonfur galbeed ayaa isagana kusugan magaalada baydhabo isagoona codsadey in uu kubiiro qeybta 60aad ciidanka XDS ee kusgan baydhabo.

Ciidanka daraawiishta kgs oo fadhigoodu ahaa degmada xudur iyo degmada baydhabo ayaa hada laga soo waramayaa in dhamaantooda ku kala biireen xoogaga gaarka ah ee abuu mansuur iyo ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee kusugan halkaasi
Saraakiishan ayaa ku eedeeyey madaxweynaha kgs in uu ku faashilmey bedbaadinta iyo dib uxureynta kgs ayagoona sheegey in uu ku mashquulay safaro iyo mucaarada looga soo horjeedo dawlada federalka soomaaliya.

Ciidamadii ugu danbeeyey ee daraawishtan kg ee kusugnaa degmada xudur ayaa lasheegey in dhamaantooda ay kubiireen ciidmada xooga dalsoomaaliyeed
Madaxweynaha kg shariif xasan sheekh aadan oo safar kujooga jabuuti isagoo safarkiisa lasheegaayo in uu kuweheliyo sanboloolshe ayaa qadka telefoonka kala soo xiriirey wasiirka amniga kgs mudane xasan xuseen Eeley isagoona ku canaantey waxaa dhacey wasiirka ayaa lasheegaya in uu iska difaacey eedeynta loosoojeediyey isagoona sheegey in dhoor mar usoo gudbiyey cabashada ay qabaan
Maamulka kgs ayaa hada lasheegayaa in aysan jirin askar hoostimaada maamulkaas marka laga reebo ilaalada wasiirka amniga koonfur galbeed .

Waxaana laxaqiijinayaa ciidamada jooga koonfur galbeed in ay ku kala amar qaataan dowlada dhexe iyo xoogaga sheekh mukhtaar roobow waana maamulkii ugu horeyey cidankiisa uburbara daryeel la’aan
Ugu danbeyti safarka shariif xasan kujooga ayaa lasheegayaa in uu kulamo laqaatey safaaradaha dalalka reer galbeedka ee kuyaala dalkaasi jabuuti isagoona safakaasi kuweliya teliyihii hore ee ciidan nabad suguda soomaaliya sanboloolshe waxaana lagu soo waramayaa in uu kusoo hugoobey safakiisa oo kadhanka ahaa dowlada federalka soomaaliya gaar ahaan agaasimaha madaxtooyada fahad yaasiin xaaji daahir oo shriifka iyo sanbaloolshaba u arka in danahooda hortaagan yahay
Safarka shariif iyo sanboloolshe wixii kasoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doona

warbaahinta idaalenews online magalada baydhabo