Guriceel (INO) —Ugu yaraan 100 Ruux, oo Caruur & Haween isagu jira ayaa ku dhintay Duulaan ay Ciidanka Ethiopia kusoo qaadeen Gobolka Galgaduud, ee Bartamah Dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa sheegay in Dagaalka ka dhacay Qeybo kamid ah Gobolka oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia Ee loo yaqaano New Boolis iyo Maleeshiyaad degaanka ah ay ku dhinteen 100 Qof saddex Maalin Gudahooda.
“Ciidanka Ethiopia waxay Hub Culus ku guraaceen Shacabka Deggan Xadka Gobolka Galgaduud la wadaago dalka Ethiopia, gaara ahaan Deegaanada Khaydar, Laba baar iyo Isma dhaafa, waxayna dileen 100 ruux,” ayuu yiri Gudoomiye Cirfo.
Cirfo ayaa sheegay in Ethiopia ay Duulaan Qaawan ku soo qaatay Gobolka Galgaduud, islamarkaana ay Xasuuqday Dad Maati ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo u badan Caruur & Dumar.
Isbitaalka Guriceel ayaa la geeyay dhaawacyada Duqeyamaha & Dagaalada ka dhacay , Laba baar iyo Isma dhaafa, ee Gobolka Galgaduud, waxaana la sheegayaa in Ciidanka Ethiopia ay isaga deegaanadaasi ay Xasuuq ka geesteen.
Idale News Online – Guracel