Ciidan ka tirsan Dowladda oo Askari Millateri ku dilay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir

0
183
Muqdisho(INO)- Wararka inaga soo gaaraya Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, ayaa sheegaya in goor dhaweyd halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya.

Dilka Askarigaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ay toogteen, xilli ay kala dhaxeysay xurguf ku aadan in Askariga Millateriga maalin ka hor uu rasaaseeyay Mooto Bajaaj uu watay nin ay qaraabo yihiin Askarta dilka geysatay.

Dadka ku sugan Suuqa weyn ee Degmada Wadajir ayaa sheegay Ciidamada dilka geystay inay yihiin ciidamada ka tirsan kuwa Maamulka Degmada oo maalmahan raadinaayay Askarigaan ka tirsan Millateriga.

Askarta falka dilka ah geysatay ayaa ka baxsatay goobtii ay ku dileen Askariga kale ee ka tirsan ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya.

Ciidan kale oo ka tirsan Millateriga ayaa soo gaaray Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, waxa ay halkaasi ka qaaden meydka Askariga, inkastoo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay dilka Askarigaasi loo geystay.

Ciidamada Dowladda ayaa isku dila Magaalada Muqdisho dhexdeeda, iyadoo ay u sii dheer tahay dilalka ay u geystaan Ururka Al Shabaab oo ugaarsi ku haaya ciidanka.

Maamulka Degmada Wadajir weli kama aysan hadlin falkaan dilka ah ee saaka ka dhacay Degmadaasi Wadajir.