Muqdisho (INO) – Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay ciidamada meletariga Soomaaliya, kuwaasi oo musharixiin kala taageersan, waxaana arrintan ay muujisay cabsi dagaal beeleed ka qarxa magaalada.
Ciidamadan oo inta badan ka kala yimid labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, badankoodna u dhashay beesha Harti-Abgaal, ayaa waxa ay taageersan yihiin Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo beeshaas kasoo jeeda.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in arinta ciidamadan ay dhalisay xaalad cabsi ah oo la xiriirta doorashada madaxweynaha dalka, ayna soo faro-geliyeen xubno ka mid ah wakiilada beesha caalamka.
Wakiilada beesha caalamka oo ay ugu horreyso dowladda Mareykanka ayaa Sheekh Shariif a ugu baaqay inuu magaalada ka saarp ciidamada ku beesha ah, waxaana hadda socdo dadaalo la doonayo in ciidamadaasi dib loogu celiyaa fariisimihii ay soo baneeyeen.
Sheekh Shariif ayaa baaqan loo diray kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in isaga uu ka dambeeyo arrintan, uguna baaqay ciidamada beeshiisa, oo intooda badan uu qoray markii uu madaxweynaha ahaa, inay gooni uga baxaan ciidanka dowladda.
Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegay inay damaanad qaadayaan amaanka goobaha doorashada madaxweynaha ay ka dhaceyso, sidaa darteedna looga maarmi doono dhammaan ciidamada Soomaalida ah.
Sheekh Shariif ma ahan musharax kaliya ee ciidamo gaar ah ku leh Muqdisho. Sidoo kale madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ciidamo la yimid magaalada Muqdisho, waxaana laga dareemay shirarka aqalka sare ee magaalada Muqdisho, hase yeeshee ciidamadiisa ayaa ah kuwo aad u yar marka loo eego kuwa raacsan Shariifka.