Ciidamo Mareeykan ah oo Weerar ku ah Gobolada Sh.Hoose Jubbada dhexe iyo Bay

0
234
Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cismaan oo Saaka la hadlay warbaahinta arlaadi xafiiska Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo sidoo kale Ciidamo mareeykan ah ay Qorsheenayaan in ay Duulaan ku qaadaan Dhamaadka Bishaan Degmooyinka Bu’aale,Diinsoor iyo Degmada Baraawe oo kala tirsan Baay’Shabellaha Hoose iyo Jubbada dhexe oo Al-shabaab fariisimo u ah.Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sheegay in Al-shabaab laga weerari doono Cir iyo dhul intaba,waxaana uu Xusay in Ciidamad Dowladda iyo kuwa AMISOm ay jiraan Ciidamo Mareeykan ah oo dagaalka ku gacan siinaya si Al-shabaab Degmooyinkaasi looga Saaro.

“Ciidamada Mareykanka ah horay ayey noola joogeen qaarkood,kuwo kalena hada ayey yimadeen waxaa loo diyaar garoobay Duulaan lagu qaado Al-shabaab”ayuu yiri Maxamed xaaji Cismaan.

Shalay ayey ahayd markii Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii uu sheegay in dagaalkii Shabellaha Hoose laga waday ay u hakiyeen dalab uga yimid Dhalinyarada Al-shabaab u dagaalama oo doonaya in ay Dowladda isku soo dhiibaan.

aaord2_lg

 Idale News Online, Muqdisho.