Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS oo ku dagaalamay Degmada Wanlaweyn

0
221

Wanlaweyn ( INO)-Iska Hor’imaadkaan oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u abaabulan Qaab Qabiil ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa uu Dagaal ku dhexmaray Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkaasi ayaa waxaa ka dhashay Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo Dhaawac , waxaana inta la xaqiijiyay ku naf waayay Iska Hor’imaadkaasi 1 qof oo Shacab ah iyo Askari.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Shaqaaqadaasi 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamadii Dagaalamay.

Mid ka mid ah Masuuliyiinta Degmada Wanlaweyn  ayaa hoosta ka xariiqay in xaaladdu haatan ay degen tahay , dhaawaca 2-da Askarina xaaladdooda Caafimaad lagula tacaalayo Gudaha degmadaasi Wanlaweyn.

Shaqaaqadani ka dhacday Degmada Wanlaweyn ayaa la sheegay in ay daba socotay xiisad indhawaanahaan ka taagneed deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo u dhexeysay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu qaab Beeleed oo kale u abaabulan.