Ciidamo Ka Tirsan Koonfur Galbeed Oo Hub Loogu Qaybiyey Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool

0
366

Waajid(INO)- Waxaa maanta hub iyo rasaas loo qaybiyey 300 askari oo ka tirsan ciidamada  Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo dhawaan tababar loogu soo xiray Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool.

Wasiirka hub-ka-dhigista,dhaqan-celinta iyo Tababaradda maleeshiyaadka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Eelaay iyo Saraakiil ciidan oo maanta gaaray Degmada Waajid ayaa askarta u qaybiyey hubka iyo rasaas loogu tallo galay in hareeraha iyo Wadooyinka Baydhabo iyo degmada Waajid looga nadiifiyo Maleeshiyadda Alshabaab.

Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool  ayaa waxaa go’doomiyey Alshabaab, waxaa gabi ahaan aan la isku haleyn karin wadooyinka Waajid iyo magaalooyinka waa weyn isku xiro.

Askarta maanta hubka loo qaybiyey ayaa waxaa la rajeynaa inay go’doominta ka qaadan shacabka Degmada Waajid oo muddo sanad badan ay Alshabaab ku hayaan go’doomin.

Ugu dambeyntii, Dowlada Galbeed  Soomaaliya oo inta badan degmooyinkiisa laga saaray Alshabaab ayaa u muuqdo mid aan ka faa’ideysanin duruufaha saaciday isla markaasina aan diyaar u ahayn hourmarinta deegaanadiisa.

Idale News Online, Waajid