Muqdisho (INO)—Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidleyda Gobolka Sh.Hoose, Axmed Sujaac Suufi ayaa sheegay in jidgooyooyin xad dhaaf ah la soo dhoobay Wadada u dhaxeysa Degmada Afgooye iyo Degaanka Xaramka, isagoona tilmaamay in Isbaarooyinkaasi ay u yaalaan Ciidamada ka tirsan Dowladda sida uu hadalka u dhigay.
Axmed Sujaac Suufi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in dhibaatooyinka ay wadadaasi ku qabaan ay ka mid yihiin Dil, dhac iyo jirdil kuwaasi oo ay kula kacaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in ay isbaarooyinkaasi u yaalaan.
Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidleyda Gobolka Sh.Hoose, Axmed Sujaac Suufi ayaa sheegay in cabashadooda ay horey ugu gudbiyeen Dowlada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya balse uusan waxba ka qaban.
Sikastaba, maamulka Gobolka Sh.Hoose ayaa dhawaaan waxey sheegeen in dhibaatooyin ay ku qabaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sida ay shaaciyeen Isbaarooyin u yaala Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Idale News Online, Muqdisho