Afhayeenka ciidamada dalka Uganda Pandy Akunda ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah lagu wado in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan ciidamo gaar ah oo ka socda dalakas kuwaas oo ilaalin doona xarumaha qaramada midoobey ay ku leedahay soomaliya.
Pandy Akunda ayaa intaa ku daray in ciidamadaas ay tababar laba bilood ah uu u soo idlaaday, ayna maanta Muqdisho imaan doonaan.
Ciidamadan ayaa tiradooda lagu sheegay 400 askari oo xiran doona astaanta Qaramada Midoobey.
Ciidadan oo kale ayaa lagu soo waramaya in qaramada midoobey ay ku leedahay dalalka Libya iyo Afrikada Dhexe.
Idale News Online,Muqdisho.