Ciidamo Itoobiyaan ah oo isu qeybiyey inay dagaal ka galaan Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya

0
205

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu wado in ay gaaraan ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasoo ka soo tallaabay soohdinta.

Ciidamadan ayaa la sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa 2000 oo askari, waxaana ay hadda ku sugan yihiin deeganka Ceel-Jaale oo 5km u jirra magaalada Beledweyne.

Warku waxaa kaloo uu sheegayaa in ciidamadan ay ku biirin doonaan kuwa Jabuuti ee ku sugan gobalka Hiiraan, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaqdhaaq ciidan oo xoog  badan.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada ay dhacdo xaflad lagu soo dhaweynaayo ciidamada Itoobiya ee gaaray gobalka Hiiraan.

Si kastaba, qaybo ka mid gobalada Koonfuta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Itoobiya oo hadda si rasmi ah uga mid noqday howgalka Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan ay qaadi doonto duulaan xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

itoobiya

Idale News Online,