Ciidamo Ethiopian ah oo Qarax Miino lagula eegtay Baladweyne

0
254

Baladweyne ( INO)-Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax Miino Ciidamada Ethiopia lagula beegsaday Gudaha Magaaladaasi.

Goob Joogayaal ayaa xaqiijiyay in  Qaraxaasi oo loo adeegsaday Miinada nuuca dhulka  lagu aaso uu haleelay mid ka mid ah Kolonyada ay Ciidamadaasi Ethiopian-ka ah la socdeen.

Ciidamaan la weeraray ayaa marayay Xaafadda lagu Magacaabo Nuur Xawaad ee Magaaladaasi Baladweyne.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Kolonyadaan ay ka yimaadeen Saldhig ay ku leeyihiin Deegaanka Ceeljaalle ee Duleedka Magaalada Baladweyne ayna Sahay u soo doonteen Gudaha Magaalada Baladweyne.

Goob Joogayaasha Qaraxaasi uga warbixiyay oo diiday in Magacooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa sheegay in mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada Ethiopia uu ku basbeelay Qaraxa walow ay sheegeen in aysan cayimi Karin Khasaaraha Nafeed ee weerarkaasi ka dhashay.

Si kastaba Qaraxaasi Miino ayaa si weyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.