Iyadoo ay jiraan Ciidan Booliis oo Dalka Soomaaliya leeyahay ayaa haddana waxaa muuqata in loo baahdey ciidan booliis oo kale oo dalalka Afrikaanka leeyahiin oo kala shaqeeya Booliiska Soomaalida dhanka tababarada iyo ilaalinta nidaamka ammaanka magaalooyinka, gaar ahaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Sida ay sheegeen Ururka Midowga Afrika waxaa dhowaan magaalada Muqdisho soo gaarey cutubyo ka tirsan ciidamada wadanka Nigeria kuwaasoo qeyb ka noqon doona ciidamada Booliska AMISOM ee Muqdisho ka hawl gala.
War saxaafadeedka kasoo baxay ururka Midawga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in 16,kii bishaan September, ay magaalada Muqdisho soo cago dhigteen cutubyo ka tirsan ciidamada boolidska dalka Nigeria kuwaasoo ku biiray hawlgalka ay magaalada Muqdisho ka wadaan booliska AMISOM.
U qaabilsanaha wakiilka arrimaha ururka midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Abuu Bakar Diyara ayaa sheegay in ciidamada Nigeria ka socda ay ka hawl gali doonaan magaalada Muqdisho kuna gacan siin doonaan ciidamada booliska Soomaaliya sugida amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Midawga Africa waxaa Soomaaliya ka jooga dhawr kun oo askari kuwaasoo militry iyo boolis. Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa qaba in dhaqaalaha faraha badan ee ciidamada shisheeye ku baxaaya ay tahay in loo weeciyo dhanka ciidamada military iyo booliiska Soomaaliya, taasoo wax badan ka bedeli karta mooralka askarta soomalida haddii ay helaan dhaqaale ku filan, shaqo badana qaban karaan
Idale News Muqdisho