Muqdisho(INO)-Ciidamadii ugu horeeyay ee badda Dowlada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay dhowaan u dhoofaan dalka Jabuuti si ay tababar dhanka ilaalada xeebaha ah ugusoo qaataan halkaas. Ciidamada ayaa waxa ay tiradoodu gaaraysaa 20 kuwaasoo laga kala keenay gobolada Koonfur Galbeed.
Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ciidamada waxaa dar daaran iyo dhiiri gelin u sameeyay wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Koonfur Galbeed oo ay kamid yihiin wasiirka Kalluumeysiga iyo Qayraadka bada Koonfur Galbeed Eng. Maxamuud Xuseen Caliyow Ibrow, wasiiirka tamarta Eng. Saalim, taliyaha ciidamada bada Koonfur Galbeed Col. Axmed Khaasim Cali, lataliyaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhanka amaanka Cabdulqaadir Maxamed Shacbaan Dhegacade iyo lataliyaha madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed ee dhanka gar gaarka iyo isku dubaridka mashaariicda Maxamed Sayid Cabdullaahi.
Ciidamadaan ayaa mudo sadex bilood ah tababar kusoo qaadan doona dalka Jabuuti waxa ayna qayb ka tahay qorshe ay dowlada Jabuuti ciidamada bada ugu tababareyso maamulada ka jiro dalka ciidamo kuwa bada ah ayada oo ay dhowaan dalka dib ugusoo laabteen tiro ciidamada bada ah oo loosoo tababaray maamulada Puntland iyo Galmudug.
Ugu dambeyntii Dowlada Koonfur Galbeed oo dhowaan la dhisay ayaa dadaal ugu jiro sidii ay ciidamo kala duwan u dhisan lahaayeen ayada oo ay dhowaan un ahayd markii ay boqolaal ciidamo ah kusoo bandhigtay magaalada Baydhabo wasaarada amniga Koonfur Galbeed ayada oo sheegtay inay ciidamadani yihiin bilowga ciidamada Koofur Galbeed.
Idale News Online, Muqdisho.