Ciidamadii Jabuuti ee duleedka Matabaan lagu heystay oo ku laabtay Baladweyne

0
193

Baledweyne(INO)-Ciidamadii Militariga Jabuuti ee maalmahanba ku xanibnaa duleedka Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay dib ugu laabteen Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Jabuuti oo Talaadadii ka amba baxay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa ku sii jeeday Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan, ayaa waxaa duleedka Matabaan ku xanibay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, oo ka arrimisa Magaalada Matabaan, waxayna ka hortimid in Ciidamada Jabuuti ay Cadaado u maraan dhinaca Matabaan.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo Amisom oo wada hadalo u socday, ayaa la soo sheegayaa inaanay waxba ka soo bixin, waxayna taasi keentay in Ciidamada Jabuuti lagu khasbo inay dib ugu laabtan Magaalada Baladweyne.

Sheekh C/nuur Maxamed Xasan oo ka mid ah Saraakiisha Ahlu Sunna, ayaa Ciidamada Jabuuti ku dhaliilay inay ku guul dareysteen, in Ahlu Sunna ku soo wargeliyan yoolkoodii ahaa inay sii dhex marayan Matabaan.

Sheekh C/nuur Maxamed waxa kaloo uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ay hadda ka hor mar sidaan oo kale uga gudbeen Magaalada Cadaado, markaasina ay kaga diggeen in markale dhacdo bilaa amar inay wajahan Matabaan.

Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Madaxda Dowladda Somaliya iyo Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe, ay isku hayaan halkii lagu qaban lahaa Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here