Afgooye (INO) — Guuddomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka Degmada Afgooye, Yuusuf Maxamed Moordoow ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku dhibaateeyaan Shacabka iyo Gaadiidka daafaha Degmadaasi.
Isagoo sii hadlaya Guddoomiye ku xigeenku waxuu tilmaamay in Ciidamo ka tirsan Militariga oo ku sugan Duleedka Degmada Afgooye ay baartaan Dadk Shacabka iyo Gaadiidka, habeen ka horna ay Nin shaqsi ah halkaasi ku Dileen.
Geesta kale, Yuusuf Maxamed Moordoow, Guuddomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka Degmada ayaa qeexay in amaanka gudaha Degmada Afgooye uu yahay mid wanaagsan islamarkaana aysan wax dhibaato ah ka taagneyn marka laga reebo daafaha Magaaladaasi.
Inta badan Shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa waxa ay cabasho ka muujiyaan Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Militariga Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku eedeeyaan in ay kala kulmaan dhac iyo handadaad joogta ah.
Idale News Online, Muqdisho