Garowe(INO)-Ciidamada Puntland ayaa wacad ku maray inay dib ugala wareegi doonaan Qandala Daacish.
Madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay iska caabin doonaan fallaagada Daacish.
“Puntland way is difaacdaa mar walba wayna is difaaci doontaa. Daacish ma heysan kadho Qandala; taasaan idinka ballan qaaday”. Sidaa ayuu yiri.
Haatan ayaa ciidamada Puntland la sheegay in ay diyaar garow ugu jiraan sidii ay uga kicin lahaayeen Daacish halkaa.
Tan iyo markii Qandala ay Daacish qabsatay ayaa ciidamada Puntland waxay hawl galiyeen doomo dagaal oo dhanka badda ka weerara magaalo xeebeedkaasi Qandala.
Maadaama ay saaran tahay gacanka Cadan ayaa waxay halis ugu jiraan Daacish in dhanka badda weerar uga yimaado.
Qandala ayaa 90km u jidha Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee Puntland.