Ciidamada Nabadsugida oo howlgalo culus ka wada Muqdisho

0
248

Muqdisho(INO)-Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa saaka howlgalo culus waxa ay ka wadaan wadooyinka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada dheer ee loo yaqaan Maka Al-Mukarama.

1_saldhiga
Ciidan ka tirsan Hay’adda NISA oo wajiyada ay u duuban yihiin, ayaa gaadiidka amar ku siinaayo inay istaagaan, kadibna waxa ay baaritaano kula dhaqaaqayaan gaariga gudihisa.
Howlgalka Baarista ah ayaa wuxuu ka socdaa dhamaan Isgoysyada Wadada Maka Al-Mukarama, sida Sayidka, Dabka, Shaqaalaha, KM4 ilaa Banaadir, sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.
Ujeedada howlgalka ayaa la xiriirta ammaanka caasimada ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn inay suuragal ay tahay xog ay heleen ciidamada oo sidaasi keentay baaritaanka gaadiidka.
Howlgalada noocaan oo kale ah ayeey ciidamada Dowladda ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here