Ciidamada Amniga Madaxtooyada Maamul Gobolleedka Puntland ayaa waxay saaka sameeyeen gadood kuwaas oo kadibna Xirtay Waddooyin badan.
Dhowr Waddo oo gasha Madaxtooyada Puntland Ee Garowe ayaa Ciidamadu diideen in gaadiidka isticmaalaan,taas oo la dareemayo xaalad kacsanaan Ah.
Saraakiisha Ciidamadaan gadoodka sameeyey horkaceysa waxay sheegeen inaysan muddo 7 Bil ah helin Mushaarkoodii sidaa awgeedna ay doonayaan in Xaqooda la siiyo.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa lagu dhaliilayaa inuu ka gaabiyey bixinta Lacagaha Mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha kale Ee Maamulkaasi.
Maamul Gobolleedka Puntland ayaa dhawaan waxay isku diyaarineysaa Doorasho ka dhacda oo Murashaxiin badan isku soo taageen