Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa sheegey in ay guulo ka gaareen dagaal maanta ka dhacey magaalo xeebeedka Jubaland. Dagaalka oo ka dhacey duleedka magaalada Kismaayo Meel lagu magacaabo dalcada iyo xaafada Via Afmadow oo ay ku badan yihiin taageerayaasha dowlada Federaalka Soomaaliya
Dagaalki maanta oo ahaa mid aad u culus dhinacyada dagaalamayaana aysan waxba isku reeban ayaa waxaa ugu danbeyn loo awood sheegtay Ciidamadi Isbahaysiga ahaa ee uu hogaaminayay Col Iftiin Xasan Basto.
Ciidamada Col Iftiin Xasan Basto oo asagu ka mid ahaa madaxweyneyaashi badnaa ee Kismaayo loga dhawaaqay ayaa waxaa laa soo sheegayaa in ay u firxadeen dhanka galbeed ee Magaalada Kismaayo.
Dhageyso Jeneraal Fartaag oo ka hadlaaya dagaalka maanta:[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/06/Madaxeyne-ku-xigeynka-maamulka-jubbaland-claahi-sh-ismaaciil-farataag-oo-ka-hadlaya-dagaaladii-kismaayo-ka-dhacay.mp3]
Shir jaraaid oo uu magaaladaaasi ku qabtay Gen Cabdilahi Sh Ismaciil Fartaag oo Madaxweyne kuxigeen ka ah Maamulka Jubbaland ee Kismaayo awooda ku leh ayaa waxaa uu ku sheegay in Ciidamada Jubbaland ay soo afjareen dagaalki ay la galeen kooxo uu ku sheegay in ay ka tirsanayeen Al-Shabaaab.
Gen Fartaag waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay hada xasiloon tahay islamarkaana ay hada ku jiraan sidii loo kala qaadi lahaa qasaarihii ka dhashay Dagaalkaasi.
Idale News Online