Baydhabo (INO)—Howlgalladan ayaa saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan kuwo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxey ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Dowlada Gobolka Galbeed Soomaaliya ayaa IdaleNews.com waxey u sheegeen in howlgallo uu bilaawday seqdii dhexe ee Xalay ay weli ka soconayaa Magaaladaasi, inkastoo Saraakiisha ay sheegeen in howlgallada xoogooda ay soo gaba gabeeyeen.
Howlgalladan ballaaran ayaa Saraakiisha Booliska waxey ku micneeyeen mid lagu xaqiijinayay amaanka, islamarkaana looga hortagayay falalka amaan darri ee ka dhaca Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay howlgalladaasi lagu soo qab qabtay tiro Dad ah, kuwaasi oo la geeyay Xarunta Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo, halkaasi oo Su’aallo lagu weydiinayo.
Waxaa Saraakiisha ay ka dalbadeen Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falal amaanka liddi ku a
28 Bishii Febraayo Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay Qaraxyo is-xigay kuwaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 58 Ruux iyadoona xusid mudan in Qaraxyadaasi ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.
Idale News Online Baydhabo.