Lamu (INO)—Saraakiisha amaanka ee Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3 Doon oo si sharci darro ah ku galay Biyaha Dalka Kenya .
Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Lamu Joseph Kanyiri ayaa xaqiijiyay waxuuna xusay in doonyaha la qabtay ay ka soo kala yimaadeen Dalalka Soomaaliya iyo Yemen.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Booliska ay su’aalo kala duwan weynayaan Shaqaalihii la socday 3 doon.
Guddoomiye Joseph Kanyiri ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in dhawaan Maxkamad ay ka soo muuqan doonaan Shaqaalihii la socday doonyahaasi.
Saraakiisha Ciidamada Badda ee Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in labo Doon ay ka yimaadeen dhanka Soomaliya halka mida kalena lagu sheegay in ka timid Dalka Yemen.
Saraakiishan weli ma aysan sheegin waxyaabihii saarnaa dooyahaasi la qabtay.
Ugu dambeyn, Xoogaga Kenya ayaa lagu amray fulinta howlgallo kala duwan oo lagu beegsanayo doonyaha sida sharci darrada ah ku soo galla Biyaha Dalkaasi Kenya.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay