Ciidamada Kenya oo Mandera ka wada howlgal guri guri ah

0
185

Mandheera(INO)- Wararka ka imaanaya magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxay sheegayaan in ciidanka dalkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan xaafadaha magaalada Mandera.

Ciidamadaan ayaa la sheegay iney galayaan inta badan guryaha Mandera, waxaana saraakiisha howlgalkaan hoggaamineysa ay sheegeen iney baadi goob ugu jiraan rag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in howlgalkaan ay ciidanka ku qabteen dad lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, balse baaritaanno lagu wado.

Waxaa sidoo kale Mandera ka jirta Cabsi ah in Al-shabaab ay mar kale magaaladaasi weerar ka geystaan, maadaama weerarkii Habeenkii Arbacada ay ka geysteen Mandera ay ku dileen lix ruux.

Dhanka kale dadka Kenyanka ah ee deggan magaalada Mandera waxaa soo wajahay cabsi ah in weeraro ay kala kulmaan Al-shabaab, iyadoo Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Dheere uu ku hanjabay inay sii kordhinayaan weerarada ay ka fulinayaan dalka Kenya.

6-dii bishan ayaa rag ka tirsan Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen hoy ay deganaayeen muwaadiniin Kenyan ah, islamarkaana aan deegaankaaasi u dhalan, waxayna halkaasi ku dileen 6 qof.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya wixii ka dambeeyay markii ciidanka Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii.