Ciidamada Kenya oo Howlgallo Ka Wada Mandheera

0
201

Mandheera(INO)-Xili Shalay Kolonyo Gaadiid ah oo uu la Socday Gudoomiyaha Mandheera Ee dalka Kenya ayaa waxaa Halkaasi saakay howlgallo ka wadda Ciidamada dalka kenya oo halkaasi lagu soo daadiyay

Ciidamada dalka kenya oo iskugu jira boolis milatari iyo ciidamada gaarka ah ayaa waxaa ay baarayaan dhamaan deeganada ku xeeraan halka shalay lagu weeraray gudoomiyaha magaalada  Mandheera Ee Dalka Kenya  kaasi oo ay soo gaartay qasaaro Askartii  la socotay

Dadka Deegaanada Saakay Ciidamada Kenya ay Howlgallka ka Wadaan ayaa waxaa ay inoo sheegeen in ay saameyn Xoogan ku yeelatay baaritanakaani maadaama ayna Ciidamada kenya Kala sooceynin dadka oo ay u Qabanayaan Qaad Farmuuq ah

Mid ka mid ah Dadka deegaanka Magaalada Mandheera oo howgalka xoogiisu uu ka socdo ayaa ii sheegay  in ay ciidamadu guryaha markii ay soo galaan ay dil iyo caga jugleyn kusoo galayaan  taasi oo qal qal ku abuureyso qofka markaasi guriga ku sugan

Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay wajahayaan Weeraro uga Imaanaya shababka ka Dagaalama Dalalka geeska afrika.

Idale News Online, Mandhera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here