Baledweyne(INO)- Ciidamada Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa maanta hal nin kala baxay Isbitaalka Guud Baledweyne.
Ninkan oo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxii maanta lagu weeraray Xerada Ciidamada Jabuuti, ay ku leeyihiin xaafadda Hawlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa Isbitaalka Baledweyne loo keenay si loogu dabiibo.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ninkaasi la arkay isagoo ka degaaya gaarigii weerarka lagu fuliyay, ka hor inta aanu ku qarxin afaafka hore ee Xerada Ciidamada Jabuuti.
Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji), Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa xaqiijiyay in ninkaasi lagala baxay Isbitaalka Baledweyne.
Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa ku waramaya in ninkaasi uu ka degay gaari nooca xamuulka ah, oo Shabaabku u adeegsadeen weerarkaasi, lana ogaaday in isagoo dhaawac qaba uu isu soo dhex qariyay shacabka.
Dhanka kale Ciidamada Jabuuti, ayaa waxay qaraxa ka dib isu ballaariyeen xaafadda Hawlwadaag iyo xaafadaha kale ee ku yaala Galbeedka Baledweyne, iyagoona ka sameeyay hawlgal ay dad ku soo qab qabteen.
Korneyl Xasan Jaamac Faarax, Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Somaliya, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in tiro dad ihi ay u soo qab qabteen weerarkaasi, hadana ay baaritaano ku wadaan.