Ciidamada dowlada Mali iyo kuwa Faransa oo isgarabsanaya ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Hombori ,kadib markii weeraro ka dhanka ah mucaaradka ay ku qaadeen,waxaana saraakiisha ay sheegeen inay sii socon doonaan ololaha ka dhanka ah dib u qabashada waqooyiga Mali oo mucaaradka ku xoogan yihiin.
Magaalada Hombori ayaa 160 Km u jirto magaalada sida aad ah ay ugu xoogan yihiin kooxaha dowlada ka horjeeda ee Gao.
Aroortii hore ee saaka ayaa la sheegay in diyaaradaha dagaalka Faransiiska ayaa duqeeyaymeel ku dhow magaalada Gao halkaasi oo fariisimo ay ku leeyihiin iyo goob shidaalka lagu keydiyo.
Laakiin wararka ayaa sidoo kale sheegay in kooxa mucaaradka ay ka Qarxiyay buundo ku taala bariga dalka Niger,halkaasi oo ciidamada ka socda dalalka galbeedka qaarada Africa ay qorsheynayaan inay fariisimo ka dhigtaan.
Buundada ay qarxiyeen mucaaradka ayaa la sheegay inay tahay mid ku yaala mahaalada Tassiga ,waxayna isku xirtaa wado ka timaada dalka Niger soona gasha magaalad Gao.
Saraakiisha ciidamada Meletariga dalkaasi ayaa sheegaya inay kusii siqayaan magaalada Gao oo ah fariisinka ugu weyn ciidamada mucaraadka.
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Mali Ibrahim Idbaltanate,ayaa sheegay in xaalada gobolka Gao ay tahay mi aan wanaagsaneyn,wuxuuna ugu baaqay mucaaradka inay wadahadal diyaar u noqdaan.
Idale News Muqdisho