Ciidamada Huwanta oo markii ugu horeysay la wareegay Deegaanka Buulo Xaaji

0
193

Kismaayo(INO)- Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay gelinkii dambe ee Axadii la wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Buulo Xaaji, oo qiyaastii 90km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Labada ciidan oo toddobaadkii hore ka dhaqaaqay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay ku hakadeen Deegaanka Cabdulle Biroole, markii ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab.

Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo, ayaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay Deegaanada Galbeedka Kismaayo dhaca.

Ciidamadan, ayaa waxay Axadii gudaha u galeen Deegaanka Buulo Xaaji, iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Dagaal-yahanada Shabaabka, ayaa waxay dhanka kale Axadii ay dib u caabiyeen ciidan kale oo dhinaca badda ku socday, kuwaa oo ku wajahnaa Buulo Xaaji. Labada dhinac waxay isku fara-saareen Deegaanka Caanoole oo 45km u jira Buulo Xaaji.

Ciidamada ay Shabaabku kula dagaalameen Caanoole, ayaa waxaan la socon Ciidamada Midowga Afrika, iyadoo aanay ka soo gudbin halkii uu dagaalku ku qabsaday.

Ciidamadan, ayaa waxay ka soo kala dhaqaaqeen Deegaanada Kudhaa, Buurgaabo iyo Raaskambooni, oo dhammaantood badda dhaca, si ay u xoojiyaan ciidamada kale ee la wareegay Buulo Xaaji.

Ciidamada Militariga ee la wareegay Buulo Xaaji, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay wataan in ka badan toddobaatan gaadiidka dagaalka ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dhawaan sheegay in ay bilaabi doonaan hawlgalo ay Gobolada Jubbooyinka kaga saarayaan Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo Ururka Al Shabaab lagala wareego gacan ku haynta Deegaanka Buulo Xaaji, tan iyo markii Ciidanka Militariga Kenya ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfureed, bishii October ee sanadkii 2011-ka.