Ciidamada Ethiopia Oo Xirtay Taliye Somali Ah Oo Dilay Sarkaal Al- Shabaab ah

0
390

Beledweyne (INO) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ee halkaasi ka howlgala ay Xabsiga dhigeen Taliyaha Guutada 21aad ee Ciidamada Xoogga dalka Col. Maxamed Kaariye Caraale.

Ciidamada Ethiopia ayaa Taliyaha kasoo kaxeystay Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud iyaga oo dhigay Xabsi qarsoodi ah oo ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne.

Taliyaha ayaa lagu eedeeyay in mas’uul uu ka ahaa dil dhawaan loo geystay Sargaal ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab kaasi oo lagu qabtay howlgal ay sameeyen Ciidamada Dowlada.

Sargaalka loo heysto dilkiisa ayaa waxa uu kamid ahaan jiray Saraakiisha Al-shabaab ee hogaamin jirtay weerarada ay maleeshiyadu ku qaadi jireen Xarumaha ciidamada milliteriga Dowlada, waxaa iminka Taliyaha abaal looga dhigay Xabsi.

Saraakiisha Ethiopia iyo kuwa maamulka Hiiraan ayaan wali ka hadal xariga Taliyaha Xabsiga ku muteystay dilka Sargaal Al-shabaab ah ee horay u daadiyay dhiiga ciidamo farabadan.

Dhanka kale, Col Maxamed Kaariye Caraale ayaa ahaa Taliyihii hogaaminayay Ciidamada dowladda markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegayeen degmada Ceelbuur iyo deegaanada Ceel Garas iyo Ceel la helay oo hoostaga degmadaasi.

Idale News Online, Baladweyne