Ciidamada Ethiopia Oo sameeyay Talaabo uusan Jecleysan Axmed Madoobe

0
232

Kismaayo(INO)- Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Ethiopia iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ay kusoo laabteen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa la sheegay in gelinkii dambe ee Shalay ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo-gaduud oo qiyaastii 30 km u jira magaalada Kismaayo oo ciidamada ay ka dhaqaaqeen.

CIidamadii ka tagay magaalada Kismaayo ayaa iyaga oo isbaheysanaya waxay kusoo laabteen magaalada Kismaayo, waxaana jirin iney tageen Deegaanka Buul-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose.

Arintaasi ayaa noqotay mid aysan la dhicin maamulka Jubbaland madaxda ugu sareyso maadaama qorshaha uu ahaa in ciidamada Ethiopia ay qabsadaan lana wareegaan saldhiga ay baneeyeen ciidamada dowlada Kenya sida Buulo-gaduud, Ceelcadde & Badhaadhe.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay shirar gaar gaar ah oo ay yeesheen ciidamada AMISOM ee ka socdo dalka Ethiopia iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo saraakiishooda, waxaana looga arinsanayay sidii ciidamada u qaadi lahaayeen howlgalo wadajir ah.

Alshabaab ayaa gacanta ku haya degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaano kamid ah gobolka JUbbada Hoose.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here