Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo janaay xarunta Gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaasi ay ciidamada Amisom ee Itoobiya ka bilaabeen waajibaadkooda ciidan ee ku aadan sugida Amaanka Gobalka.
Goobaha ay ciidamadani ka bilaabeen howlgalkooda ayaa ka mid ah duleedka Magaalada Baydhabo oo ah halka laga soo gala magaalada islamarkaana ay ku baarayaan gaadiidka soo gala iyo kan ka baxa Magaalada.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in Ciidamda Itoobiya ay khamiistiiba bilaabeen howlgal lagu xaqiijinaayo Amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay.
Howlgalka ay ciidamada Itoobiya ka wadaan magaalada baydhabo ayaa ku soo beegmaya xili maalin nimadii Arbaca ay si toos kugu biireen Ciidamada Midowga Africa ee Amisom islamarkaana Ciidamada Burundi kala wareegay Howlgalada Gobolda Baay, Gedo iyo Bakool.
Idale News Online, Baydhaba.