Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Dib u la wareegay Deegaanka Deynuunay ee Bariga Gobolka Baay.Deynuunaay ayaa Al-shabaab waxaa ay la Wareegeen habeen ka hor ka dib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay iskaga baxeen Deegaanka oo mudo Maamulayeen.
C/rixmaan Bashiir Qurac oo ka mid ah Ciidamada Milatariga Soomaaliya u sheegay warbahinta in Deegaanka Deynuunay ay dib ugu laabteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,Al-shabaabna ay iskaga baxeen.
“Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOm ayaa hada kusugan deynuunaay,Al-shabaab Awood ay nagula dagaalamaan maleh,weyiska carareen”ayuu yiri C/rixmaan.
Labo maalin ka hor ayey aheyd markii Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ay iskaga baxeen Deynuunaay,kuwaas oo sheegay in Saanad la’aan ay soo wajahday.
Idale News online – Baydhaba, Janaay.