Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay qaarkood si weyn kaga caroodeen dilkii Yuusuf Cali Indhoole, oo horey u soo noqday Gudoomiyihii Degmada C/casiis ee Maamulkii Tarsan.
Ninkaan, ayaa waxaa shalay lagu dilay deegaanka Tixsiile ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay dilkiisa geysatay Hay’adda Nabad Suggida.
Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la soo sheegayaa in siyaabooyin kala duwan ay isugu hor fadhiyaan deegaanada Tixsiile iyo Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka laga helaayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in saacad kasta ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dagaalami karaan deegaanadaasi.
Waxaa xilligaan soconaayo dadaalo lagu doonaayo in lagu kala dhex galo Ciidanka Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay jiraan Odayaal Dhaqameedyo ka baxay Xamar oo ku sii jeeda Warmaxan iyo Tixsiile.
Waxaan jirin Warbixin ay Dowladda Soomaaliya ka soo saartay dilka Yuusuf Cali Indhoole, oo la dhashay Korneyl Geeseey Cali Indhoole.
Idale News Online, Afgooye.