Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya ee AMISOM oo la Wareegay Degmada Baardheere

0
198

Bardhera(INO) — Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee Qaybta ka ah Ciidanka AMISOM ayaa goor-dhow la wareegay gacan ku haynta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, Halkaasoo ahayd Degmada keliya ee ay Al-shabaab kaga sugayd Gobolkas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa Warbaahinta u sheegay inay xoogaggii Al-shabaab isaga baxeen degmada, wax iska caabin ahna aysan ka dhicin markii ciidamadu ay soo galayeen degmada.

“Baardheere waxaa goor-dhow soo galay ciidammo Soomaali iyo AMISOM ah oo hub fara badan wata. Xoogaggii Al-shabaab way ka baxeen degmada markii ay ku soo dhawaadeen ciidamadan is-bahaysanaya,” ayuu yiri Goobjooge magaciisa sababo amni u qariyay oo ku sugan Baardheere.

Sidoo kale, Col. Cabbaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah Saraakiisha Hogaaminaya ciidanka Maanta la Wareegay Magaalada Baardheere ayaa Sheegay in ciidanku ay dhinaca Galbeed ka galeen Degmada, ayna ku sugan yihiin Buundada.

“Waxaan Hadda ku Suganahay Buundada Baardheere, Kooxihii horay ugu Sugnaana way isaga baxeen, waayo ciidamada aan wadanno kama hor-imaan karaan, degmada gacanteena ayay ku jirtaa,” ayuu yiri Col. Cabbaas oo isagoo ku sugan Baardheere u waramayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Sidoo kale, Taliyahan oo Hoggaaminaya Guutada Koowaad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Koonfurta Soomaaliya ku sugan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dagayaan Buundada ayna Berri baaritaanno ku sameyn doonaan Degmada.

Qabsashada Baardheere ayaa imaanaysaa kaddib dagaallo culus oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafayay ka dhacayay duleedyada degmada Baardheere, Halkaasoo ay Al-shabaab ku Xooganayd Sannadihii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, Wararka ayaa intaas ku darayaan in Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay sidoo kale isla Maanta qabsadeen deegaan kale oo lagu Magacaabo Dalcadda oo 15-KM dhinaca Waqooyi-bari kaga began Magaalada Baardheere.

Si kastaba ha ahatee, Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa iyagana la sheegayaa inay ku dhow yihiin Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, Halkaasoo ay muddo Sannado ah ay gacanta ku haysay Al-shaba

Idale News Online, Bardhera