Ciidamada Dowladda oo Qaraxa xoogan lagula eegtay Magaalada Muqdisho

0
188

Muqdisho (INO)—Qaraxan oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaa lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo Qaraxa lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha gaar ahaan nawaaxiga Baar-Jowhar islamarkaana ay la socdeen Ciidamada Dowladda ayaa waxuu ku wajhnaa sida la sheegay Xarada Maslaxa ee Degmada Hiliwaa.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay indhohooda in ay qabteen Meydadka laba Ruux oo yaala bartamaha wadada uu Qaraxa ka dhacay.

Weli lama sheegin khasaaraha nafeed ee Qaraxan ka soo gaaray Ciidamada Dowladda oo Gaarigaasi saarnaa.

Ciidamada ayaa xiray nawaaxiga uu Qaraxa ka dhacay waxaana ay bilaabeen howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan weli la soo sheegin hadii ay Dad u soo qab qabteen.

Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada Hiliwaa oo ku aadan Qaraxaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.