Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Deegaanka Fiidow ee Gobolka Hiiraan Goor dhaw kala wareegay Maleeshiyada Al-shabaab.
Ciidamada Huwantaa ayaa si Nabadgalyo ah kula Wareegay Deegaanka kadib markii Maleeshiyadii Al-shabaab ay iskaga baxeen.
C/rixmaan Max’ed Ibraahin oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u Xaqiijiyey in Deegaanka Fiidow ay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay si buuxda u maamulan.
“Ciidamadeena ayaa Maanta la wareegay Fiidow,Al-shabaab wey ka carareen Deegaanka,waan ku raad joognaa Firxad kooda”ayuu yiri C/rixmaan.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Dhowr jeer lagu Eedeeyey in ay Joojiyeen Dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab.
Idale Online – Hiiran