Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Janaale

0
316

Janaale(INO)Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo bishii September ay dib ula wareegeen Al-Shabaab, kadib weerar culus ay ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Uganda ku lahaayeen.

La wareegitaanka Janaale ayaa ka dambeysay, kadib maalmo ay dagaalo ka socdeen inta u dhaxeysa deegaanada Shalanbood iyo Janaale.

Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa ka socday tan iyo jimcihii inta u dhaxeysa Buufow iyo Janaale, waxaana AMISOM ay sheegteen inay dishay 22 dagaalyahan Shabaab ahaa iyo Sarkaal hogaaminayay

Al-Shabaab ayaa sabtidii sheegtay inay dishay Taliyihii AMISOM u qaabilsanaa Shalanbood iyo todobo askari.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in si buuxda ay ula wareegeen Janaale, markii ay isaga baxeen Al-Shabaab, xaalada ay tahay mid degan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa xaqiijiyay la wareegitaanka Janaale, hase ahaatee waxaa ay ku eedeeyeen ciidamo ka tirsan dowladda inay falal dhac ah u geysteen goobo ganacsi.

Taliska AMISOM ayaa war ay maalin ka hor soo saareen ku sheegeen inay wadaan howl galo ay ku nadiifinayaan jidadka deegaanada ay ku sugan yihiin, isla markaana ay isku xirayaan inta u dhaxeysa Buufow iyo Janaale.