Dagaal Khasaaro kala duwan geestay oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya & Kooxda Al shabaab ayaa ka dhacay Gobolka Baay.
Ugu yaraan 3 Qod oo Dhinacyada Dagaalka ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Dagaalka Xalay ka dhacay Gobolka Baay, iyadoo ay sidoo kale jireen Dad kaloo dhaawacyo soo gaaray. Ciidamada DFS ayaa markii la weeraray waxa ay kasoo baxeen Degmada Bardaale, waxaana ay kusii jeedeen Degmada kale ee Qansaxdheere.
Saraakiisha Ciidamada DFS Soomaaliya ee Gobolka Baay, ayaa dhawaan sheegay in uu socda Howlgal ay Kooxda Al shabaab uga sifeynayaan Wadooyinka isku xira Degmooyinka ay Dowladda maamusho ee Gobolkaasi, oo go’doonsanaa Shacabkuna dhibaato badan soo sheegayeen.
Kooxda Al shabaab ayaa go’doomisay Degmooyinki dhawaana laga saaray ee Gobolada Baay, Bakool, Hiiraan, Sh/Hoose & Gedo, iyadoo Ujeedkooda uu yahay inay Shacabka isaga barakacaan Degmooyinkaasi Gaajo & Haraad dartood, sida ay Madaxda Dowladda Federaalka sheegeen.
Idale News Online – Xafiiska Koonfur Galbeed Soomaaliya, Baydhabo Janaay.