Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Toogtay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al Shabab

0
470

Baydhabo(INO)- Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay toogasho ku dileen sarkaal dhinaca Amniyaadka u qaabilsanaa  Maaliyasha  Kooxda Al Shabab.

Sarkaalkan ayaa lagu dilay degmada Diinsoor ee gobolka Bay sida ay daabacday wakaalada SONNA oo aan sheegin magaca Sarkaalkasi.

Ugu dambeyntii Ciidamada dowlada,AMISOM iyo Mareykanka ayaa weeraro iyo duqeymo joogta ah ka wada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyaga oo beegsanaya Xarumaha iyo dagaalamayaasha Al Shabab.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here