Baydhabo(INO)-Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal u dhaxeeyay ciidamada gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Xarakada Al-shabaab oo shalay ka dhacay duleedka deegaanka Qansaxdheere ee gobolka Bay.
Dagaalkan ayaa billowday kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya weerar ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab oo ku taallay deegaanka Buulo Xaawo oo ku dhow degmada Qansaxdheere.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay Afar qof oo dhinacyadii dagaallamay ah iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.
Maxamed Isaaq Care Case oo ah taliye ku xigeenka ciidanka gaarka ah Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta IdaleNews.com ayaa sheegay in Al-shabaabka ay weerareen ay qorsheynayeen in weeraro kusoo qaadaan ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa uu sheegay inay dileen dhowr dagaalyahanno oo ka tirsan Al-shabaab dhankoodana uu ka dhaawacmay Hal Askari.
Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal dagaalkaasi, inkastoo maalmihii ugu dmabeeyay ay ciidanka Koonfur Galbeed xoojiyeen weerarada ka dhanka ah Al-shabaab.
Idale News Online, Baydhabo