Yeed: Warar goor dhow naga soo gaaray gobalka Bakool ayaa sheegaya in degaanka Yeed ee gobalkaas ay la wareegeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
Dad ku sugan Ceel-barde ayaa xaqiijiyey in deegaanka Yeed ay gaareen ciidanka Itoobiya kadib howlgallo 42-kii saac ee la soo dhaafay ay deegaanka ka wadeen.
Ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee lagu gacan siinayo dowladda Soomaaliya si looga saaro Alshabaab deegaannada weli ay kaga sugan yihiin Koonfurta Alshabaab. Xaaladda deegaanka Yeed ayaa kacsan waxaana gudaha u galay ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
ilaa iyo iminka kama aysan hadlin maamulka gobolka Bokool ee Df soomaaliya.
Idale News Online, Yeed, Bakool