Muqdisho(INO)-Dhawaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa xiray oo albaabada u laabay ilaa labo goob oo lagu cabi jiray waxa loo yaqaanno Shiishada waxaana lagu kala magacaabayay Casabalance iyo Royal kuwaas oo ku yiilay inta u dhaxeeyso Nambar4 iyo Isbitaal Banaadir gaar ahaan dhinaca degmada Hodan.
Labadaan goob waxaa lagu eedeyay in ay fidinayaan dhaqan xumo waana labo goob oo nadaafad xumo daran ay ka jirto iyadoo ciidamo dowladda ay tageen goobahaas kadibna ay si qasab ah ku xireen goobtahaas.
Warbaahinta Idale News Online ayaa ogaaday sababta saxda ah ee loo xiray lababadaas goobood oo lagu kala magacaabi jiray Kaasabalanka(Casalabalanca) iyo Royal waxaana goobahaas ka socday falal dhaqan xumo ah waana mashruuc ay ka dambeeyaan dad gaar ah.
Mashruuca fidinta cudurka dilaaga HIV ayaa ka socday oo laga hirgalinayay labadaan maqaayad ee ciidamada dowladda xiray waana goobo ay yimaadaan haween iyo rag badan oo qaba cudurka dilaaga ah ee HIV islamarkaasna u shaqeeya hay’ado ajaanib ah oo ka shaqeenaya fidinta cudurka HIV waxaana ka war hellay dowladda oo qaaday tallaabo ay ku xirtay gabi ahaan goobahaas.
Haween iyo rag lagu karantiilo isbitaal Banaadir oo la xanuunsan cudurka dilaaga HIV ayaa lagu arkaa xilliyada habeenka labadaan goob oo ku yiilay meel aan ka fogeeyn isbitaalka kadibna ay fududeeyaan sidii uu kusii fidi lahaa cudurka HIV iyadoo haweenka iyo raggaas qaba cudurka HIV ay fal gal dhanka jinsiga ah la sameeyaan dhalinyaro gabdho iyo wiilal isugu jiro oo jecel cabista Shiishadda oo yimaado maqaayadahaan Kaasabalanka iyo Royal.
Idale News Online, Muqdisho