Ciidamada DFS oo ka Fuliyay Hawl-gallo Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose

0
196

Baardheere(INO) — Ciidanka Dowladda Somalia, ayaa la sheegay inay ka fuliyen hawl-gallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab deegaano ku dhaw Afmadow iyo Baardheere oo ka kala Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Somalia.

Hawl-galladan ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen ciidammo Ajaanib ah isla markaana ay weerareen xerooyin ay Al-shabaab ku leedahay goobahaas la weeraay.

Col. Cismaan Sheekh Cabdi [Qorrax] oo ah abaanduulaha guutada sagaalaad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee Fadhigoodu yahay Gobolka Gedo, ayaa sheegay in Hawl-galladaan khasaare xooggan loogu geystay Al-shabaab.

Abaanduulaha oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay inay Ciidamada Dowladda ay dhawaanahaan Hawl-gallo ka fulinayeen Deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayna ku beegsanayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, ayna iska hor-imaadyo dhaceen.

“Ciidamadeennu, waxay dhawaanahan hawl-gallo lagu beegsanayo Al-shabaab ka wadeen Deegaanno ka tirsan Gobolladaan, waxaana ugu dambeeyay kuwo ka dhacay deegaannada Juungal iyo Ceel-garas oo ka tirsan Gedo,” ayuu ku yiri hadalkiisa Col. Qorrax.

Sidoo kale, Abaanduulaha ayaa intaas ku daray in Dagaallo ay dhex-mareen iyaga iyo Al-shabaab, ayna khasaare badan u geysteen, isla markaana uu ka soo gaaray khasaare kooban oo dhaawacyo ah.

Dhanka kale, Sarkaalkan u hadlay ciidamada Dowladda Somalia, ayaan ka hadlin Cadadka khasaaraha ay gesyteen iyo kan loo geystay, Balse wuxuu xusay in sababta Khasaarahooda yareysay ay tahay inay ogaayeen halka ay ku sugan yihiin xubnaha ay beegsanayeen.

Ugu dambeyn, Warar ka madax-bannaan kuwa Col. Qorrax ayaa sheegaya in hawlgalladan ay ka fuliyeen ciidamada Somalia iyo kuwa ajnabiga ah ee Taageerayay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ay gaarayaan illaa 10-ruux.