Dhageyso:Ciidamada DFS Oo Isaga Baxay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabeellada Hoose

0
241

Janaalle(INO) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliiya ayaa la sheegay inay isaga baxeen degmadda  Qoryooley  ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo la sheegay inay deegaankaas ka jirto xaalad kacsanaan ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay shalay gellinkii dambe illaa xalay isaga baxayeen deegaankaas, waxaana dadka deegaanka sheegeen in deegaanka aysan wax ciidamo ah ku sugneyn haatan.

Qoryooley oo ah dhul beeraley ah ayaa waxaa ka taaga xiisado u dhexeeya kooxo horay ugu dagaalamay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo heshiis la dhexdhigay.

Illaa hadda lama oga sababta ay ciidamada dowladda Somalia uga baxeen Qoryooley; sidoo kalena kama aysan hadlin saraakiisha ciidamada sababta ay uga baxeen ciidamada dowladda degmadda Qoryooley.

Goob-joogayaal ku sugan Qoryooley sheegaya in xalay oo dhan ay cabsi ku jireen, ayna baqdin ka qabaan in deegaankooda lasoo weeraro; iyadoo wararka qaar ka mid ah ay seegayaan inay Al-shabaab ku wajahan tahay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dhawaanahan ay Al-shabaab weerarro is-daba-joog ah ku haysay deegaannada Awdheegle, Mubaarak iyo Daaru—salaam oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay horay uga baxeen cidamada AMISOM.

Idale News Online, Qoryooley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here