Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM Oo La Wareegay Degaanka Tooratoorow

0
344

Tooratoorow (INO)-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay maanta la wareegeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

La wareegista Ciidamada dowladda ee deegaanka Tooratoorow ayaa ka dambeysay ka gadaal markii Al Shabaab halkaas ay isaga baxeen.

Warar ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku gacan siiyeen la wareegista deegaankaasi Tooratoorow Ciidamo cadaan ah oo la socday diyaarado dagaal.

Xaaladda deegaankaasi ayaa degan kadib la wareegista waxaana wararku ay tilmaamayaan in Ciidamada halkaas la wareegay ay durba billaabeen in fariisimoyaal ka sameystaan gudaha deegaanka.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii Ciidamo Maraykan ah ay weerareen deegaanka Tooratoorow xilligaas oo Al Shabaab ay sheegeen in ay iska caabiyeen.

Weli Al Shabaab kama hadlin howlgalka maanta loogala wareegay deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Idale News Online, Tooro Toorow